Deeq A. Posted June 11, 2020 Turkey ayaa Arbacadii diiday hindise xabad-joojin looga hirgelinayo Libya oo ka yimid Masar, ayada oo sheegtay in qorshahaas looga dan leeyahay in lagu badbaadiyo Jeneral Khalifa Haftar kadib markii uu fashilmay weerarkii uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Tripoli, waxaa sidaas weriyey wargeyska Hurriyet. Dowladda Turkiga waxay taageertaa dowladda caalamku aqoonsan yahay ee ra’iisul wasaare Fayez al Serraj, kaasi oo ciidamadiisa ay toddobaadyadii dhowaa iska caabiyeen weerar socday 14 bilood oo ay wadeen ciidanka Haftar oo ay taageeraan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Ruushka. Masar ayaa ku baaqday xabad-joojin billaaban lahayd Isniintii, taasi oo qeyb ka ahayd hindise sidoo kale soo jeediyey gole hoggaan oo la dooranayo oo loo dhiso Libya. Qorshahan ayaa waxaa taageeray Imaaraadka Carabta iyo Ruushka. Cavuosglu ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto wadahadallada ay la leedahay dhammaan dhinacyada si xal loogu helo Libya, hase yeeshee xalka noocaas ah uu baahan yahay inay heshiis ku yihiin labada dhinac. PUNTLAND POST The post Turkey oo diiday qorshe ay Masar usoo jeedisay Libya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites