Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Sabriye iyo guddoomiye Xaliimo Yareey oo hortagay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeisa.

Ajandaha kulanka ayaa ku saabsanaa wax-ka-beddelka iyo Kabista waxa loogu yeeray Sharciga Xisbiyada dalka.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey sidoo kale waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo ismaaciil (xaliimo yareey).

Wasiirka arimaha guddaha iyo guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa goddoonka golaha shacabka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga uga warbixiyay wax ka badel ay si wadajir ah ugu sameeyeen Sharciga Axsaabta Siyaadda.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Sabriye iyo guddoomiye Xaliimo Yareey oo hortagay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this