Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobaha Waxbarashada Koonfur Galbeed oo dib loo furayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) oo ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay caqabadaha waxbarasho ee xiligan ka jira degaanada  Koofur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka  Koofur Galbeed ayaa sheegay in degaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan degmada Xudur heerkeeda wax barasho ay aad u liidato islamarkaana ay tayayn ku samayn doonaan Goobaha Waxbarashada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Bisha July ee soo socota dib loo furi doono dhammaan Iskuulada ku yaalla degaannada Koonfur Galbeed kuwaas oo horay loogu xiray sababo la xiriira COVID-19.

PUNTLAND POST

The post Goobaha Waxbarashada Koonfur Galbeed oo dib loo furayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this