Deeq A. Posted June 11, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) oo ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay caqabadaha waxbarasho ee xiligan ka jira degaanada Koofur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in degaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan degmada Xudur heerkeeda wax barasho ay aad u liidato islamarkaana ay tayayn ku samayn doonaan Goobaha Waxbarashada. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Bisha July ee soo socota dib loo furi doono dhammaan Iskuulada ku yaalla degaannada Koonfur Galbeed kuwaas oo horay loogu xiray sababo la xiriira COVID-19. PUNTLAND POST The post Goobaha Waxbarashada Koonfur Galbeed oo dib loo furayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites