Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil uu dhalay Trump oo kumanaan doolar ku bixiyay si uu u soo dilo lax (Neef Ido ah)

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiil uu dhalay Trump oo kumanaan doolar ku bixiyay si uu u soo dilo lax

lax.jpg

Wiilka ugu weyn carruurta uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo wiil uu awoow u yahay ayaa la sheegay inay aadeen safar ay ku tageen dalka Mongolia sannadkii lasoo dhaafay, waxaana lagu soo warramaya in safarkaas uu ku baxay $75,000 oo lacagta canshuur bixiyaasha Mareykanka ah.

Wiilka madaxweynaha, Trump Jr ayaa toogtay laxdii naadirka aheyd taas oo ay adagtahay in lagu arko dunida inteeda kale, neefkan idaha ah ayaa ku noolaa buuraleyda Mongolia, waxay sidoo kale lagu kulmeen madaxweynaha Mongolia, sida ay sheegeen koox ka tirsan bulshada rayidka ee qaabilsan arrimaha mas’uuliyadda iyo arrimaha anshaxa gudaha Washington.

Kooxda waxay sheegeen in qoyska Trump ay galeen safaro tiro badan marka loo barbardhigo qoyskii madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama.

Kooxda waxay ku eedeeyeen qoyska Trump inay ku takrifalayaan maaliyadda laanta amniga u qaabilsan madaxtooyada isla markaana in ka badan 1000 safar ay sannadkiiba galaan.

Mid kamid ah shaqaalaha u shaqeeya Trump Jr ayaa warbaahinta CNN u sheegay in safarka 8 maalmood qaatay ee bishii Agoosto sannadkii hore ku tageen halkaas ay qarashkiisa ay iyagu si gaar ahaaneed isaga bixiyeen marka laga reebo qarashkii ku baxay amnigiisa.

“Trump Jr waa wiilka madaxweynaha waa in la ilaaliyaa balse canshuur bixiyaashu waa inay ogaadaan lacagta ku baxeyso howshiisa ugaarsiga ah iyo kulanka uu la yeeshay hogaamiyeyaal shisheeye iyo siyaasiyiinta” ayay yiraahdeen kooxda.

Sida uu daabacay wargeyska ProPublica sannadkii lasoo dhaafay, Trump Jr wuxuu sannadkii lasoo dhaafay dilay laxdii naadiirka aheyd ee buuraha ku nooleyd isaga oo fasax ka helayo dowladda Mongolia, baaritaanka uu sameeyay Propublica waxaa sidoo kale lagu sheegay inay heleen caddeymo muujinayo in wiilka Trump uu safarka ku wehliyay sarkaal ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo ka shaqeeya arrimaha shidaalka iyo gaaska.

Laxdan oo lagu magacaabo ‘Argali’ waa mid leh geeso dhaadheer waxaana la sheegay in halis ay ugu jirtay inay dabar go’do, sida laga soo xigtay ha’yad la socota xayawaanada halista ugu jiro inay dabar go’aan.

Wiilk Trump waxaa sidoo kale lagu soo warramay in uu la kulmay madaxweynaha Mongolia Khaltmaagiin Battulga bil uun kaddib markii uu madaxweynahaas booqasho ku tagey aqalka cad.

Waxaa uu barta Instagram-ka soo dhigay sawirrada safarka uu ku tegay Mangolia.

 jr.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this