Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalkii Farmaajo Iyo Khayre Oo Soo Dhawaaday, Xafiisna Ka Furtay Buuhoodle Iyo Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Muuse Biixi Oo Dul Gaaf-Wareegaya Magaalada, Madaxana Galin La’

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Nabad iyo Nolol ee ay Madaxda ka yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha Dalkaasi Xasan Cali Khayre ayaa xafiis Cusub ka furtay Magaaladda Buuhoodle oo ku dhex taalada Xuduuda iyo dhulka ay maamusho Somaliland.

Xafiiskan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ururkaasi yeesho ee dhul ay Somaliland maamusho laga furo, waxaanay masuuliyiintii Shalay xafiiskaasi xadhiga ka jarayay oo ay ka dhex muuqdeen dhalinyaro Deegaanka Hargeysa kasoo jeedaa, ay warbaahinta u sheegeen in dalab uga yimid dhalinyarta iyo dadka deegaanka ay keentay in Xisbiga Nabad Iyo Nolol ay xafiis ka furtaan Magaaladda Buuhoodle. Waxa kale oo ay sheegeen in xafiiskani dhabaha u sii xaadhi doono in Doorashada Madaxtooyadda ee Dalkaasi laga filayo inay dhawaan ka qabsoonto ay soo gaadho islamarkaana dadka Reer Buuhoodle ay kaga qayb gali doonaan. Xafiiskan ayaan muujinaya Duulaanka cad ee ay Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ay ku hayaan inay Shacabka Somaliland ku kala qaybiyaan, waxaana muuqata in dagaalkoodii ka dhanka ahaa Somaliland uu soo dhawaaday.  Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaad moodaa inay goor lala wareegay Buuhoodle oo xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, xafiisyana laga dhex furtay ay soo ambabartay,iyadoo wasiiraddii deegaankaasi kasoo jeeday u kala dirtay Goor dambe Gobollada Sool iyo Buuhoodle. Wasiirkii Arimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Fartoon iyo Wasiirkii Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale qabi ayaa gaadhay Deegaamo ka kala tirsan Buuhoodle iyo Sool kuwaasi oo loo malaynayo inuu socdaalkoodu salka ku hayo ama xidhiidh la leeyahay dhaq dhaqaaqa ay Xukuumadda Farmaajo ee Soomaaliya ka bilawday Deegaamaadaasi.

Wasiirka hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qabi ayaa sida wararku sheegayaan waxa lagu soo dhaweeyay deegaamo hoosta buuhoodleh oo ay ka mid yihiin Gucundhaale, hor u fadhi iyo ceegaag-baahsan, taasi oo aad loo hadal hayo inuu ku sii jeedo Magaaladda Buuhoodle oo u muuqata inay gacantii Somaliland ka baxday islamarkaana ay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Somaliland ay ka wado Xukuumadda Itaalka daran ee Soomaaliya. Iyadoo warar kalena ay sheegayaan inuu Wasiir Qambi xaaladdan ay ku jirto Buuhoodle awgeed uu madax u galin kari waayay islamarkaana uu hawlgal Culus uu iskugu diyaarinayo oo uu gudaha ugu galo Magaaladda Buuhoodle.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this