Deeq A. Posted June 11, 2020 (SLT-Nigeria)-Booliska dalka Nigeria ayaa sheegay in la xidhay nin ka mid markii hal magaalo oo ku taalla dalkaasi lagu kufsaday dumar gaadhaya 40 muddo hal sanno ah . Hooyo ku nool magaalada waqooyiga ku taalla ee lagu magacaabo Dangora ayaa ku qabtay nin qolka caruurteeda sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Abdullahi Haruna,waxaana intaas raaciyay in uu ninku cararay isla markaana ay derisku baacsadeen ayna ugu dambeyn qabteen. Qabashada ninka ayaa dhacday Salaasadii. Sida ay boolisku sheegeen falalka kufsiga ah waxaa ka mid ah weeraro loo gaystay haweeney 80 jir ah iyo carruur qarkood ka yar da’da 10 sanno jirka. Waxaa dhawaanahanba jiray kufsi iyo dil loo geysanayo dumarka ku nool dalka Nigeria, taas oo dhalisay buuq weyn, iyadoo kumanaan qofna ay saxeexeen dalab ah haashtaag #WeAreTired) waan daalney. Dangora ayaa ah magaalo yar oo ku taala gobalka Kano isla markaana dhainaca koofur galbeed kaga began magaalada Kano,taasi oo la sheegayo in ay adagtahay in boolisku ay ka jawaabaan dhibaatooyinka ka dhaca sida uu sheegayo wariyaha BBC-da Mansuur Abubakar ee magaalada Kano. “Dadka reer Dangora aad ayey u faraxsan yihiin waqtigan waxaan rajeyneynaa in cadaaladda si hufan loogu adeegi doono”. Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay ku noolaayeen sanadkii la soo dhaafay cabsi, xitaa marka ay guryahooda joogaan, maxaa yeelay waxaa ay maqleen in kufsi wadareed uu gaytay nin dayrka ka soo dhacay isla markaana gudaha dumar ugu gaystay kufsi. “Haatan waan seexan karnaa innagoo indhaha isku hayna ,”waxaa sidaasi BBC-d u sheegtay mid ka mid ah haweenka deegaanka. Source Share this post Link to post Share on other sites