Sign in to follow this  
Deeq A.

Suudaan: Hoggaamiyihii Maleeshiyadii Darfur Oo Isku Dhiibay Maxkamada Caalamiga Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Ali Kushayb ayaa ahaa hoggaamiyihii maleeshiyaadka Janjaweed ee xasuuqa ka geystay gobalka Darfur ee dalka Sudan intii u dhaxeysay 2002 – 2004, Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada dagaal ICC ayaa 13 sano kahor amartay in lasoo qabto ninkan.

Kushayb ayaa la sheegay in lagu wareejiyey Saraakiisha Maxkamada Caalamiga ah ee ICC kadib markii uu isa soo dhiibay, wuxuuna ku sugnaa dalka Bartamaha Afrika.

Kushayb ayaa xubin ka ahaa xisbigii Gen.Cumar Al Bashir ee dalka Sudan ka talinayey, waxaana loo heystaa 50 danbi oo ay ku jiraan, xasuuq, baro-kicin, kufsi iyo dilka dad rayid ah.

Sudan-Ali_kushayb3.jpg

Dagaalkii ka dhacay gobalka Darfur ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay in ka badan 300-kun oo qof laguna baro-kiciyey 2.7 milyan oo qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this