Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Aadan Faarax Ibraahim  oo ka soo jeeda Dowlad Degaanka Soomaalida DDS ayaa shalay loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Ethiopia.

Guddoomiye Aadan Faarax oo horay u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa noqonaya qof kii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee waddanka Ethiopia ka qabta jagadaasi.

Aqalka Sare ee Baarlamanka Ethiopia oo ka kooban 153 xubnood waxaa laga soo xulaa qowmiyadaha kala duwan iyo gobollada dalka waxaana Soomaalidu ku leedahay 6 xubnood Aqalkaas.

Doorashadiisa ayaa ka dambaysay markii toddobaadkan ay is casishay guddoomiyihii aqalkaasi Keira Ibraahim oo ka biya diidneyd doorashada dib loo dhigay ee dalkaasi.

PUNTLAND POST

The post Nin Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Ethiopia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this