Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo Tacsi Tiiranyo leh u diray …

Recommended Posts

Deeq A.   

TACSI: 09/06/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

drasalaam-300x200.jpg

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali ibraahim Jaamac, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka madaxda Sare ee Baanka iyo ka Shaqaale weynaha Baanka Dhexe ee JSL. waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, dhamaan Madaxda iyo Shaqaalaha Baanka Ganacsiga ee ah Darasaam Bank, Shirkadda Guud ee Telesom, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Maamulahii Baanka Ganacsiga ah ee Daarasalam Marxuum Maxamed Ibraahim Xaaji Muuse oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/06/2020, dalka Turkeyga.

Guddoomiyahu waxaa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Daarsalaam Bank, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Mukhtar Omar Ali
Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Arrimaha Dibadda

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this