Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho Oo Ciyaar Xiiso Badan Ku Dhexmartay Xidigihii Hore Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ciyaareed saaxiibtinimo kuwada dheelay ciyaartooydii hore Dalka ee Gobolada Banaadir iyo Gobolka Shabeelada Hoose waxaana is dhaxgalkan ka shaqeeyay dhallinyaro ka timid qurbaha iyo kuwa jooga Wadanka,iyagoo mudooyinkii danbe ka shaqaynay kulamadan oo kale.
Screen-Shot-2020-06-10-at-7.57.54-PM-102

Cali Cusmaan oo ka tirsanaa kooxdii ku ciyaaraysay Gobolka Shabeelada Hoose ayaa u mahad celiyay dadkii soo qaban qaabiyay howshan,wuxuuna  madaxada ciyaaraha u soo jeediyay in ay abaabulan isu imaantinka is dhaxgalkan oo kale.
Screen-Shot-2020-06-10-at-8.00.42-PM-102

Saacid Axmed Abuukar oo horay u ahaa garsoore ayaa isna sheegay in kulamadan oo kale ay qibrad wanaagsan ka helayaan dhallinyarada soo koraysa

Screen-Shot-2020-06-10-at-8.01.29-PM-102

Xidigihii hore Soomaaliya ayaa ku faraxsanaa in mudo dheer ka dib ay ku kulmaan garoon, iyagoo bogaadiyay qaban qaabiyaasha iyo mas’uuliyeentii casuumay

Screen-Shot-2020-06-10-at-8.03.24-PM-102

Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Muqdisho Ay Ku Dheeleyn Labada Dhinac

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this