Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo qoraal cusub kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war-saxaafaded cusub oo ay kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay dowladda federaalka ugu baaqday inay si deg deg ah u abaabusho kulan ay la yeelaneyso madaxda dowlad goboleedyada dalka.

“Dastuurka ku-meel garaka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa saldhig u ah mabda’a wada-hadalka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah; qodobka 51(30), ayaa dhigaya in madaxweynayaasha ay ugu yaraan hal mar kulmaan sanadkiiba,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay soo dhoweeneyso qoraalladii dhowaan kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya, kuwaasi oo codsaday kulanka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, xiriirkooda iyo wada-hadal waafaqsan dastuurka Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay wajaheysaa fursado taariikhi ah iyo caqabado qoto-dheer labadaba. Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay muujiyaan dhiiranaan hoggaannimo ayaga oo meel iska dhigaya khilaafyada u dhaxeeya si ay isugu raacaan hanaanka doorasho oo cad, loo dhan yahay, waqtigiisana ku dhaca; u xaliyaan kala-qeybsanaanta siyaasadeed; ugu midoobaan dagaalka Al-Shabaab; dib u eegis ugu saameeyaan Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya; uga dhabeeyaan ballan-qaadka deyn cafinta; si wax ku oolna ahna uga jawaabaan saf-mareenka COVID-19,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Mareykanka ayaa intaas ku dartay inay ka go’an tahay inay taageerto dadka Soomaaliyeed, ayna sare u qaaddo ahdaafta ay ku mideysan yihiin iyo qorshayaasha mustaqbalka Soomaaliya.

“Ayada oo dib loo soo cusbooneysiinayo ballan-qaadka wada-hadallo nabadeed, waxaan ku kalsoonnahay in wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay xaqiijin doonto nabadda, barwaaqada iyo horumarka dhammaan muwadaaniniinta Soomaaliya,” ayaa lagu soo geba-gebeeyey qoraalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this