Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka xuntay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka
Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee nuxurkiisu ahaa iska horkeenka iyo khalkhal galinta
xidhiidhka labada wadan ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaradka Carabta.
Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla
markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka
Carabtu ka waddo Jumhuuriyadda Somaliland taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin.
Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo aan wax xidhiidh ah la lahayn
Soomaaliya, wakhti xaadirkana ma jiraan wax is fahan ah ama wadahadallo ah oo u socda
Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya madaama oo aannu maamulka Muqdisho ka jiraa
ahayn maamul masuul ah, isla markaana aannu daacad ka ahayn wadahadallo midho dhal
noqda oo ay labada dal ku kala baxaan.
Ugu dambeyn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa
dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah
Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid
aan ka laabasho lahayn isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta
qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay
qaadanayso.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this