Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaacisay inay sarkaal sare ku dishay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay dil qorsheysnaa ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in toogashadaasi loo geystay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada maamulkaasi.

Al-Shabaab ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegtay, Aadan Boorow, walow aysan shaacin darajadiisa iyo waxa uu u qaabilsanaa Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxay shaacisay in dagaalyahanadii fuliyey dilka ay horey u sii qaateen qori AK47 ah oo uu watay marxuumka, sida ay hadalka u dhigeen

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Baydhabo iyo saraakiisha  magaaladaasi oo ku aadan dilkaasi iyo sheegashada Al-Shabaab.

Weerarkan ay sheegatay Al-Shabaab ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe amniga Baydhabo uu ahaa mid dagan,waxaana howlgallo ka waday ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaas oo dhacda K/Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this