Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in xalay qarax loo adeegsaday bam-gacmeed uu ka dhacay bartamaha magaaladaasi.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayad ku taalla suuqa Golole oo ku dhow Aargada weyn ee Kismaayo, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 11-kale, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa ayaa isugu jirta ganacsato iyo dad kale oo shacab oo ku sugnaa goobta la weeraray.

Illaa iyo hadda lama oga sababta loo bartilmaameedsaday halkaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in meesha ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in falka kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubbaland oo illaa saaka baaritaano wada.

Amniga Kismaayo ayaa maalmihii u dambeeyey ahaa mid degan, balse waxaa mararka qaar weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this