Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ku baaqay in ay Shir deg deg ah isu’gu yimaadaan dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa ugu baaqday madaxda dowladda Soomaaliya in sida daatuurku dhigayo, ay tahay in ay la kulmaan madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka, ayay ku sheegtay in wadahadal u dhexeeya dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada degdeg loogu baahan yaha, si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, loo hirgeliyo dayn cafinta, iyo la tacaalista Covid19.

Sidoo kale, Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa shalay ku baaqay in deg deg loo qabto shir u dhexeeya madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, si looga wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaanna doorashada 2020/2021

Shirkaasi ayuu Aqalka Sare dalbaday in uu dhaco ka hor 25-ka bishan June, waxaana uu magacaabay guddi ka soo shaqeeya qabashada shirkan, oo uu guddoomiye u yahay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo ku baaqay in ay Shir deg deg ah isu’gu yimaadaan dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this