Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo soo bandhigtay mowqifkeeda doorashada Soomaaliya ee 2020/2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa markii u horraysay soo bandhigtay mowqifkeeda ku aaddan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 iyo qabsoomi waaga shirkii dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in ay dhammaan fashil ku dhammaadeen saddex kulan oo loogu gogol-xaarayay Shir dhexmara dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si looga arrinsado doorashada 2020/2021.

War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in saddexdaasi kulan ee gogol-saarka ahaa uu hoggaaminayay xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaan la isku waafiqi waayay goobta iyo wakhtiga ay tahay in la qabto shirka madaxda Federalka iyo dowlad goboleedyada.

Jubaland waxay sheegtay in ay ka baxday guddigii u xil-saarnaa diyaarinta iyo gogol-xaarka shirka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed kadib markii sida ay sheegtay uu guddigaasi ku fashilmay hawshii loo xil-saaray.

Sidoo kale Jubaland waxay soo dhowaysay hadalkii Ra’iisul wasaare Khayre ee ahaa in ay ka go’antahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto islamarkaan waxay taageertay baaqii Aqalka sare ee ku aaddanaa in ay shir deg deg ah isugu’ yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka si looga arrinsado doorashada.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Jubba.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo soo bandhigtay mowqifkeeda doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this