Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweye Dal Afrikaana oo geeriyooday+Taariikh nololeedkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweye Dal Afrikaana oo geeriyooday+Taariikh nololeedkiisa

Pierre NkurunzizaPierre Nkurunziza

Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa geeriyooday kaddib markii uu wandanaha istaagay.

War qoraal ah oo oo ay dowladda Burundi soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa lama filaanka ah.

“Dowladda Jamhuuriyadda Burundi waxay si murugo leh u shaacineysaa geerida lama filaanka ah ee ku timid Pierre Nkurunziza, madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi, oo ku dhintay isbitaalka Karusi Fiftieth Anniversary, kaddib markii uu wadnbaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka”, ayaa lagu yiri qoraalka.

URGENT: Le Gouvernement de la République du Burundi annonce avec une très grande tristesse le décès inopiné de Son Excellence Pierre Nkurunziza, Président de la République du Burundi, survenu à l’Hôpital du Cinquantenaire de Karusi suite à un arrêt cardiaque ce 8 juin 2020. pic.twitter.com/PP46kKzAM5

— Burundi Government (@BurundiGov) June 9, 2020

Wuxuu ahaa 55 sano jir. Sannadkii 2015-kii wuxuu ku guuleystay doorasho lagu murmay oo dhiig uu ku daatay.

Balse sannadkan 2020-ka, wuu ka haray doorashada, waxaana la saadaalinayay in uu noqonayo “hoggaamiyaha ruuxiga ah” ee dalkaas oo haga siyaasiyiinta.

Dowladda Burundi waxay ku dhawaaqday toddobo maalmood oo baroordiiq ah.

Warbixin qoraal ah oo dowladda ay soo saartay waxaa lagu sheegay in Sabtidii la seexiyay isbitaal ka dib markii uu xanuun dareemay.

Xaaladdiisa ayaa soo hagaagtay ka dibna Isniintii waxaa laga saaray Isbitaalka. Wuxuu qababay wadne xanuun. dadaalkii la doonayay in lagu daweeyayana wuxuu noqday mid guul dareystay.

Mr Nkurunziza wuxuu Burundi hoggaaminayay tan iyo 2005. Wuxuuna hadda isu diyaarinayay in 20-ka bisha Aguast uu xilka dalka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay Evariste NDayishimiye.

Wuxuu dalkaas soo hoggaaminayay 15 sano.

Markii uu dhameystay labadii xilli ee uu xilka hayay, wuxuu badalay dastuurka si uu mar seddaxaad xilka ugu tartamo, taas oo sababtay dagaal sokeeye iyo isku day afgembi lagu sameeyay dowladdiisii.

Taariikhda madaxweynihii Burundi ee geeriyooday

President Nkurunziza, oo mar ahaan jiray tababare leyliya koox kubadda cagta ciyaarta ayaa lahaan jira koox gaar u ah oo lagu magacaabo Hallelujah FCPresident Nkurunziza, oo mar ahaan jiray tababare leyliya koox kubadda cagta ciyaarta ayaa lahaan jira koox gaar u ah oo lagu magacaabo Hallelujah FC

Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa geeriyooday kaddib markii uu wadnaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka.

Nkurunziza, oo muran badan dhaliyay kaddib markii uu xilligii saddexaad usoo istaagay xilka madaxweynaha, wuxuu dalka Burundi hoggaamiye ka ahaa muddo 15 sano ah.

Wuxuu sanadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuusan markii 4-aad usoo istaagi doonin doorashada madaxweynaha.

Markii ay doorashada dalkaas dhacday bishii May ee sanadkan, waxaa la shaaciyay in Nkurunziza, oo 55 jir ahaa uu noqon doono hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalkaas.

Waxaa sidoo kale la sheegay inuu heli doono lacag dhan $540,000 (£440,000) oo loogu talagalay inuu u qaato howlgabnimo.

20-ka bisha August ayaa lagu waday inuu xilka ku wareejiyo madaxweynaha hadda loo doortay dalka Burundi, Evariste NDayishimiye.

Wuxuu dhashay 18-kii bishii December ee sanadkii 1964-kii.

Ka hor inta uusan siyaasadda ku biirin wuxuu ahaa ciyaartoy ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad,.

Kaddib wuxuu noqday tababare dhinaca ciyaaraha ah. Muddo kaddib wuxuu isu baddalay hoggaamiye fallaago, ilaa uu ugu dambeyntii u weecday dhinaca siyaasdada, taasoo u horseedday inuu noqdo madaxweyna ka noqday dalka Burundi.

Markii ugu horreysay ee uu xilka madaxweynaha qabtay sanadkii 2015-kii waxaa soo doortay xildhibaannada baarlamaanka.

Mar walba wuxuu ku doodi jiray in maamulkiisa uu nabad ka dhaliyay dalka Burundi. Isagoo sawirkaas ka faa’iideysanayana wuxuu isku tilmaami jiray nin dib u dhisaya dal ka mid ah waddamada ugu saboolsan caalamka.

Mudaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay caasimadda, kuwaasoo looga soo hor jeeday go'aankii uu Mr Nkurunziza mar saddexaad ugu soo istaagay xilkaMudaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay caasimadda, kuwaasoo looga soo hor jeeday go’aankii uu Mr Nkurunziza mar saddexaad ugu soo istaagay xilka

Waxaa lasoo tabiyay in marka ay diblomaasiyiinta dalkaas taga damcaan inay kulamo la yeeshaan Mr Nkurunziza laga qaadi jiray magaalada caasimadda ah ee Bujumbura, si loogu geeyo madaxweynaha oo dad beeraley ah ku caawinaya abuurka dalagyada.

Taasi xitaa waa sababta ay beeraleyda abuurta avocado-da ay ugu magac dareen madaxweynaha.

Arrintani wuxuu taageero badan uga helay dadka reer miyiga ah, laakiin kuma uusan kasbanin dadka ku nool caasimadda Bujumbura, halkaasoo ay daggan yihiin siyaasiyiinta kasoo hor jeeda.

Ka hor inta uusan dagaalka sokeeye ka dhicin Burundi, Mr Nkurunziza, oo horay ugu takhasusay waxbarashada dhinaca ciyaaraha, wuxuu macallin ka ahaan jiray jaamacadda Burundi.

Wuxuu sidoo kale sannadihii 10990-meeyadii tababare usoo noqday kooxdii kubadda cagta ee ciidamada milatariga iyo kooxda Union Sporting – oo ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee dalkaas.

Hadda wuxuu lahaa koox isaga u gaar ah oo lagu magacaabo Hallelujah FC.

Pierre Nkurunziza iyo xaaskiisa DenisePierre Nkurunziza iyo xaaskiisa Denise

Aabihiis, oo ahaan jiray barasaab gobol, waxaa sanadkii 1972-kii lagu dilay xasuuqii ka dhanka ahaa qowmiyadda Huutuuga.

‘Kali talis’

Dadka dhaliili jiray maamulkiisa, oo ay ka mid ahaayeen in ka badan 40 xisbi siyaasadeed iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku qeexay inuu ahaa nin xukun qallafsan.

Waxay ku eedeyn jireen inuu ahaa madaxweyne kali talis ah oo aan oggoleyn inuu xilka wareejiyo.

Hadalkooda wuxuu xoogeystay markii uu Mr Nkurunziza xilka u soo xigtaagay markii saddexaad, isagoo ku gacan seyray dalabka dad mudaharaadeyaal ah oo doonayay inuu xilka iska casilo.

Dad badanb ayaa ku dhintay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee lagu diiddanaa dib usoo doorashadiisa. In ka badan 100,000 oo ruuxna waxay u bara kaceen dalalka dariska la ah, arrintaasoo soo celisay cabsi ku aaddan in Burundi ay dib ugu laabato dagaal sokeeye.

Mr Nkurunziza wuxuu sanadkii 2015-kii, kaddib doorashadiisii muranka dhalisay, ka badbaaday isku day lagu damacsanaa in afgambi milatari xilka looga tuuro.

Ciidamadiisii ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan afgambiga oo la qorsheeyay xilli uu dalka ka maqnaa.

Burundian soldiers walk near a burning barricade erected by protesters as people demonstrate against the president's bid for a third term in power in Musaga, in the outskirts of Bujumbura, on April 27, 2015Burundi’s army is now ethnically mixed – as stipulated by the constitution adopted as part of the peace process

Sanadkii 2018-kii, baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay hayaan caddeymo xooggan oo ku saabsan in dembiyo ka dhan ah bini`aadannimada laga geystay dalka Burundi.

Warbixintooda ayay ku xuseen dilalka, jirdilka iyo kufsiga, oo ay sheegeen inay badankood geysteen xoogagga dowladda – balse iyo sidoo kale kooxaha mucaaradka.

Safiirka Qaramada Midoobay ee Burundi ayaa markaas sheegay in warbixintaasi ay qayb ka ahayd qorshe caalami ah oo ka dhan ah dalkaasi.

Dowladda Burundi ayaa lagu eedeynayay inay abaabuleysay kooxo dhalinyaro ah oo geysta falalka dilalka ah iyo qalalaasaha ka dhanka ah dadka kasoo horjeeda xukuumadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this