Deeq A. Posted June 10, 2020 Dawlada Mareykanka oo dalab xasaasi ah u dirtay Farmaajo Dowlada Mareykanka ayaa baaq culus u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo laga dalbaday inuu shir isugu yeedho Madaxda Dowlad Goboleedyada Somalia Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Qoraal soo saartay ayaa loogu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu shir isugu yeedho dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya. Qoraalka ayaa lagu sheegay si degdeg ah loogu baahan yahay wadashaqeyn iyo iskaashi dhexmara dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada isi xal loogu helo kala khilaafaadka siyaasadeed ee jira, Dhaqan gelinta Deyn cafinta iyo ka jawaabida COVID-19 Qoraalka Rasmiga Hoos ka Akhri:- @US2SOMALIA calls on the @TheVillaSomalia to convene a meeting w/ all FMS leaders, as required by the Somali Constitution. FGS–FMS engagement and cooperation is urgently needed to resolve political divisions, implementation of debt relief, & COVID response — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) June 9, 2020 Qaran News Share this post Link to post Share on other sites