Deeq A. Posted June 9, 2020 Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga maamul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa digniin culus u jeediyay odayaal dhaqameedyo ku dhaqan Gobolka Mudug oo ay dhawaan Al-Shabaab u yeereen, wuxuuna fahamsan yahay in lagu amray ineysan hubka dhigin. Wasiir Fiqi wuxuu kaloo ogyahay in kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayba yahiin kuwa ka dambeeya dagaal beeleedyada ka dhaca gobollada dalka gaar ahaan kuwa ka dhaca Mudug. “Waxaa nagu maqaalo ah in deegaanada Al-Shabaab laga wacay odayaasha qabaa’ilka, hadii ay tagaan yeysan noo soo noqon, kama duwana argagixisada,” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi. Wasiirka wuxuu sidoo kale aad uga soo horjeestay in odayaasha dhaqanka ee aada deeganada ay ka taliyaan Al-Shabaab inaysan dhex joogi karin deegaanada Galmudug, maadaama ay xambaarsan yahiin tilmaamahii kooxda Al-Shabaab. “Haku biiraan Al-Shabaab, waxba yeysan noo soo noqon, dagaalka dhinac haka soo galaan, suuragal maahan inuu na dhex joogo oday dhaqameed ku shaqeynaya awaamiirta Al-Shabaab isagoo xoriyad heysta” Share this post Link to post Share on other sites