Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga joogtada ee BF oo shir xasaasi ah ku leh magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga joogtada ee baarlamaannka Soomaaliya ayaa haatan wuxuu shir uga socdaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa ajandayaasha muhiimka ah ee looga doodayo kulamada soo socda ee kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo uu Sabtidii furay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed CabduLlaahi Farmaajo.

Xubnaha guddiga joogtada ayaa si aayar ah uga baaran dagaya ajandayaashaasi, maadaama uu yahay kalfadhigii ugu dambeeyey ee baarlamaanka 10-aad ee dalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in 27-da –bishan June xildhibaanada labada gole uu hortago guddiga madax banaan ee  doorashooyinka qaranka, si looga dhageysto warbixintooda ku aadan doorashada 2020-2021 iyo nooca ay tahay in la qabto, si markale looga doodo.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana aysan weli cadeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Xisbiyada mucaaradka iyo xubnaha beesha caalamka ayaa dhankooda ka digaya muddo kororsi, waxaana dowladda dhexe ay ku eedeeyeen inay ka gaabisay doorashooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this