Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika + Magaca

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ahaa lagu dilay dalkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Ibraahim Maxamed Xasan, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Cape Town.

Wararka ayaa sheegaya kooxo burcad Koofur Afrikan ah ay ganacsadahan ku dileen Xaafad lagu magacaabo Samora ee ka tirsan magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in raggii dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen, waxaana goobta gaaray mar dambe  ciidamo ka tirsan Booliska wadankaasi.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka sida daran loogu dhibaateeyo ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka waa-weyn ee dalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this