Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Aqalka Sare ee dalka Itoobiya oo is-casishay

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Guddoomiyihii golaha aqalka sare ee dalka Itoobiya, Khayriya Ibrahim ayaa maanta ku dhawaaqday inay iska casishay xilkaasi, kadib wareysi kooban oo ay siisay Telefishinka Tigrayga ee ku yaalla magaalada Mekelle.

Khayriya ayaa wareysiga ay bixisay ku shaacisay inay ay rabitaan-keeda xilka uga tegtay, islamarkaana aysan dooneyn inay garab u noqoto dowlad keli-talis ah.

Sidoo kale waxay xildhibaanada baarlamaanka ku eedeysay inay ku xad-gudbiyeen Dastuurka, una dhaqmeyn si aan wanaagsaneyn.

“Koox kelitalis ah oo malin-walba dastuurka dalka ku xad-gudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi.” ayey tiri.

Sidoo kale Khayriya ayaa intaasi ku dartay “Si ka baxsan dastuurka oo aan horay looga baran dalka Itoobiya ayey isku dayayaan in qodobbada dastuurka loo macneeyo ama wax looga beddelo.”

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiday in dowladda hadda talada heysa ee Itoobiya ay dooneyso inay wax ka bedasho Dastuurka, si ay u sameysato muddo kororsi hor leh.

“Dowladda talada dalka Itoobiya hadda hayso waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka ay isku laaqdo si ay u kororsato mudda xileedkeeda.” ayey markale wareysiga ku tiri guddoomiyihii golaha aqalka sare ee dalka Itoobiya,

Khayriya Ibrahim ayaa xilkan heysay muddo laba sano ah, iyadoona xubin ka ah xisbiga Tigrayga ee loo yaqaano TPLF.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this