Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Joogtada Ah ee Golaha Shacabka oo Maanta Shiraya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho maanta ku shiraya guddiga joogtada ah ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya sida lagu sheegay bogga golaha shacabka.

Guddigan ayaa la sheegay inay ka shiri donaan sidii ay u diyaarin lahaayeen ajendayaasha kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo si rasmi ah u furmay sabtidii.

“Kulanka guddiga joogtada ah ayaa waxa ay kaga hadli doonaan dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ee uu 6dii bisha furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay booga golaha shacabka.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo waqtigooda uu ku egyahay dabayaaqada sanadkan ayaa isku diyaarinaya sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho aan wali nuuceeeda la shaacin.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this