Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dowlad goboleedyada kala hadlaysa doorashooyinka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Shalay shirka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxay u gudbisay  qorshe oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajoodka dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ee arrimaha doorashooyinka.

Soo bandhigidda Qorshaha, waxay  ka dambeysay Amarkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee ku saabsanaa dardargelinta arrimaha doorshooyinka, si loo hubiyo in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo.

Qorshahaas ayaa la filayaa in loo gudbiyo golaha wasiirrada oo fadhiyadooda uga doodi doona, si uu dhaqan gal u noqdo loona billaabo in lagu howlgalo.

Shirka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaa Shir  Shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Shirka waxaa looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada iyo iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dowlad goboleedyada kala hadlaysa doorashooyinka dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this