Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay uu magaceeda qabsaday mudaharaadyada looga soo horjeedo dilkii George Floyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweenay uu magaceeda qabsaday mudaharaadyada looga soo horjeedo dilkii George Floyd

  • Image shows Breonna Taylor
Breonna Taylor, 26, was a decorated emergency medical technician

George Floyd, oo ah ninkii madowga ahaa ee ku dhintay gacanta booliska Mareykanka, ayaa sabab u noqday mudaharaadyo murugo xambaarsan oo lagu dalbanayo sinnaanta dadka, wuxuuna sidoo kale dilkiisa horseeday mid ka mid ah dibadbaxyadii ugu waaweynaa ee caalamka ka dhacay tan iyo 1960-meeyadii.

Dadka mudaharaadaya ayaa magaciisa ku qeylinayay 13 maalmood, boorar uu wajigiisa ku sawiran yahay ayaana lagu soo bandhigay laga billaabo Suuriya ilaa Belfast.

Laakiin magacyo kale ayaa sidaasoo kale u qabsaday afka mudaharaadeyaasha, si gaar ahna waxaa ka mid ah Breonna Taylor, oo ahayd haweeney ka shaqeyneysay caafimaadka, oo ay booliska Mareykanka toogasho ku dileen iyadoo ku sugan gurigeeda ku yaalla magaalada Louisville ee gobolka Kentucky, 13-kii bishii March.

Dadka u dooda xuquuqda rayidka ayaa ku boorrinaya dadka inay “magaceeda ku dhawaaqaan”, iyagoo doonaya in dunida la xasuusiyo haweenka madowga ah ee aan kiisaskooda si fiican looga warqabin.

Maalintii Jimcada, oo haddii ay Ms Taylor ay da’deedu noqon lahayd 27 sano, ayey dad ka murugoonaya geerideeda isugu tageen magaalada Louisville.

Dad kale oo badanna waxay baraha bulshada ku qorayeen farriimo ay ku sheegayaan dhalashadeeda, iyagoo dhahaya, “Waxaa loo baahnaa inaad maanta halkan joogto”.

“Markii hore kaligeed ayey wax kasta ku ekaayeen, cid xasuusaneysayna ma jirin, laakiin waa arrin aad u wanaagsan in hadda ay dad badan meeshan u taagan yihiin iyada darteed, ayna xusayaan magaceeda,” sidaas waxaa tiri hooyadeed, oo lagu magacaabo Tamika Palmer.

Waxay hooyadeed intaas ku dartay in gabadheeda ay mudneyd inay maanta ka qeyb qaadato mudaharaadyada loogu doodayo nolosha dadka madowga ah.

Maxaa ku dhacay Breonna Taylor?

Waxyaabihii dhacay habeenkii ay Ms Taylor dhimatay waa lagu muransan yahay.

Breonna Taylor, oo ahayd farsamayaqaan ka shaqeysa waaxda gurmadka caafimaadka ee degdegga ah, waxay joogtay gurigeeda magaalada Louisville, waxayna ku jiiftay sariirteeda markii ay askar ka tirsan booliska gudaha u galeen dhismaha ay dagganeyd xilli saq dhexe oo habeennimo kaddib ah.

Waxay geeriyootay kaddib markii siddeed jeer la toogtay.

Breonna Taylor hooyadeed waxay sheegtay inay jeclaan lahayd in gabadheeda ay la joogto xilliga loo mudaharaadayo xuquuqda dadka madowga ahBreonna Taylor hooyadeed waxay sheegtay inay jeclaan lahayd in gabadheeda ay la joogto xilliga loo mudaharaadayo xuquuqda dadka madowga ah

Waxaa gurigeeda la weeraray kaddib markii lasoo helay oggolaansho lagu baarayo alaabteeda, maadaama lagu eedeynayay inay ka ganacsato daroogo.

Wax maandooriye ah lagama helin gurigeeda.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in boolisku ay markaas heysteen fasax ay guriga gudaha ugu galayeen iyagoo aan garaacin albaadba.

Hase yeeshee saraakiil u hadashay booliska ayaa sheegay in iyagoo fasaxaas heystay ay haddana albaabka garaaceen ka hor inta aysan galin. Laakiin qoyska Ms Taylor iyo dariskeedaba way beeniyeen arrintaas.

Qoyskeeda oo dacwad maxkamadeed gudbiyay waxay sheegeen in booliska ay kusoo khaldameen gabadhooda, ayna raadinayeen ruux kale.

Dacwadda ayey ku xuseen in Ms Taylor ay xilligaas hurdeysay, seygeeda, Kenneth Walker, oo qori u sharciyeysan heystayna uu soo baxsaday hubkiisa.

Mr Walker oo u maleynayay in guriga ay tuugo usoo jabiyeen ayaa furay rasaas uu isku difaacayay, sida uu sheegay qareenkiisa.

Wuxuu Mr Walker wacay lambarka gurmadka booliska ee 911, wuxuuna u sheegay inay “dad soo jabiyeen gurigiisa, ayna toogasho ku dileen xaaskiisa,” sida lagu caddeeyay cajalad cod ah oo la soo bandhigay isbuucii lasoo dhaafay.

Booliska Louisville ayaa sheegay inay rasaas ku jawaabeen kaddib markii hal askari toogasho looga dhaawacay.

Maxaa isbaddalay geerideeda kaddib?

Dibadbaxayaasha waxay sheegeen in Breonna Taylor magaceeda uusan mudneyn in la illooboDibadbaxayaasha waxay sheegeen in Breonna Taylor magaceeda uusan mudneyn in la illoobo

Askartii gudaha u gashay dhismaha ay dagganeyd Ms Taylor ma aysan wadanin kaamirooyinka wajiga lagu xiro ee dib looga daawado sida ay wax u dhaceen.

Hadda, taliska booliska magaalada Louisville waxay sheegeen in askarta ay waajib ku tahay inay kaamirooyinkaas xirtaan marka ay howlgallada fulinayaan.

Dhanka kale, waxaa si ku meel gaar ah loo joojiyay fasaxa booliska loo siiyo inay guryaha galaan iyagoo aan albaabka garaacin.

Taliyihii ciidamada booliska ee Louisville ayaa laga eryay shaqada kaddib markii la ogaaday in askartii howlgalkaas fulisay aysan wadanin wax kaamiro ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this