Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo la weydiiyey Su’aalo xasaasiya +Jawaabuhu bixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali ayaa maalinti shalay ahayd hor tagay baarlamaanka dalka Itoobiya oo yeeshay kalfadhigii 5-aad ee aan caadiga ahayn halkaas oo ay mudanayaasha golaha su’aala kala duwan ku weydiiyen.

Su’aalaha la weydiiyey Abiy Axmed ayaa ku qotomay doorashada, khilaaf Suudaan iyo Itoobiya, Khilaafka biya xireenka Masar iyo Itoobiya, warbixinta Amnesty, khilaafka qowmiyadda Tigreega iyo dowladda dhexe u dhaxeeya, iyo arrima kale oo quseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada dalkaasi Itoobiya.

Arrimaha ugu muhiimsan ee Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed su’aalaha laga weydiiyey waxaa ka mid ah:

“Dowladdaadu waa daciif”

Dr Abiy Axmed oo su’aal amuurtaasi laga weydiiyey ka jawaabayey wuxuu yiri: “Fikirkaasi waa mid aad u khaldan maxaa yeelay labada aabbe kan ubadkiisa garaaca iyo kan ilmahiisa sida qof weyn ula dhaqma ee waaniya waxay dadku aabba wanaagsan u yaqaannaan kan ilmahiisa garaaca ee laga cabsada, runtii fikirkaasi ma aha mid saxan. dowladda aan aniga hoggaamiyo ma aha dowlad daciif ah oo ka naxeyso shanqar kasta oo yeerta.”

“Dowladdeyda wararka ku tiri ku teenta ah intey ku mashquuli lahayd waxay xoogga saartay sidi ay dhaqaalaha dalka u kobcin lahayd mashaariicda qabyada ahna loo dhammeystiri lahaa, kuwa dhammeystirmayna loo howlgelin lahaa” ayuu yiri.

Doorashada

Guddiga doorashooyinka Itoobiya markay I soo gaarsiiyeen warbixin ku saabsan Covid-19 awgii iney doorashada xilligeeda ku qabsoomi Karin, guddoomiyaha guddiga Birtukaan Mideqa iyo aniga waxaa na dhexmaray hadalla kulul oo aan horay loo baran, ugu dambeyntina go’aanka guddiga ay doaladda ku raacay sidaana doorashada dib looga dhigay.

“Xisbiga PP ee aan aniga guddoomiyaha u ahay wuxuu marweliba uu doonayey doorashada iney xilligeeda ku dhacdo, xisbigeeyguna ma aha mid doorashada ka cabsi qabo” ayuu yiri.

Birtukaan MideqsaGuddoomiyaha Guddiga doorashada qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa

Birtukaan waxay igu tiri: “Doorashooyinki ilaa iyo hadda dalka ka dhici jiray si ka duwan iney doorasha xor oo xalaal ah dhacdo ayaan xilka u qaaday. Haddii la leeyahay sida si ka baxsan doorasha ha u dhacdo shaqada ayaan uga tagayaa. Doorasha iney dhacdana iguma amri kartid, taleefankana wey igu jartay” ayuu yiri Dr Abiy Axmed oo baarlamaanka uga warramayey isaga iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka waxa dhexmaray.

Dr Abiy Axmed

“Guddiga waxyaabaha ay soo dhigeen ee ay dowladda garowsatay waxaa ka mid ah inaan xilligan doorasha la qaban Karin maadaamaa ugu yaraan 100,000 oo qof doorashada fulineyso ay tababarro u baahan yihiin, xilligan faayraska corona uu taagan yahayna ay suuragal ahayn in dadka intaa le’eg meel la isugu keeno.”

“Dowladda iyo Guddiga oo wadatashanayo xilliga aan isleennahay doorasho wey ku dhici kartaa ayaa doorashada la qabanayaa haddii loo baahdana muddo xileedka ayaa la kordhinayaa si doorashada iyo muddo xileedka dowladda la iisu waafajiyo” ayuu yiri.

Baarlamaanka Itoobiya

Khilaafka xadka ee Suudaan iyo Itoobiya

“Shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan waxaan isla soo marnay dhibaatooyin aad badan abaal aad u bandanna Itoobiya wey ku leeyhiin, marka xurgufta yar ee bariyahan taagneyd oo ka dhalatay xadka labada dal waa sax wey jirtaa, balse ma noqon doonto mid labada dal dagaal u horseeddo”.

“Khilaafka yar ee noo dhaxeeya si walaaltinima iyo deris wanaag ah ayaan ku xallineynaa, haddii aan annagu xallisan weynana waxaan u gudbineynaa midowga Afrika, balse khilaafka ma aha mid buuran oo la buunbuuniyo” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Warbixinta Amnesty

“Warbixinta Hay’adda Amneysty ay soo saartay ee ay ku sheegtay in xuquuqda muwaaddiniinta Itoobiya ay dowladda ku tumato, ma aha warbixinta inaan dhayalsanno oo waa inaan baarnaa eeddaasi waxa ka jiro, wixii jirana la saxa, Waxaan marweliba diyaar u nahay inaan saxno wixi sixitaan u baahan” ayuu yiri Dr Abiy Axmed.

“Haddii aan wax khalad ah sameynayna ma dabooleyno, marka waa inaan dib isugu noqonno oo aan baarno, balse arrintu ma aha mid aad noo murjineyso” ayuu yiri.

Biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile

Khilaafka biya xireenka

Dhismaha mashuurca biya xireenka weyn ee ay Itoobya ka dhiseyso wabiga Nile xilligii looga talagalay dhisamahiisa wuxuu ka dib dhacay 6 sano taasoo keentay iney dowladda qasaarto 6 bilyan oo doolar.

“Waxaan xoogga saareyn dhismaha biya xireenkaasi, howsha sida la rabay markay u socota ayaan arrimaha diblumaasiyadda u baahan guda geli karnaa.”

“Khilaafka Itoobiya, Masar iyo Suudaan u dhaxeeya ee ku saabsan habka biyaha, biyaha xireenka loo keydinayo sidiisi ayuu u taagan yahay, balse waxaan markale caddeeynayaa Itoobiya iney dooneyn waddama kale iney biya xireenkan dhib ugu geysato, balse wax weliba ay ka hormarineyso danteeda.”

“Ciddi iskudayda danaha Itoobiya u gaarka ah iney horistaagta iyada unbaa daaleysee Itoobiya waxba ka qaadi meyso, waxaanna marweliba diyaar u nahay wadahadal inaan ka galno wax kasta oo la xiriia biya xireenka ee quseeya seddexda dal” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Ardayda Hablaha ee la afduubtay

Mar wax laga weydiiyey ardayda hablaha ah ee lix bilood ka hor la afduubtay wuxuu yiri: “Dowladda sidi ay ardaydaasi aan la garaneyn cidda afduubatay ay u soo badbaadin lahayd wakhti iyo kharshba iney gelisay welina ay ku raad joogta, balse afduubka hablahaasi loo geystay ma aha afduub sahlan”.

“Markasta oo aan xog helno xogta ayaan raacnaa baadigoobkana waan sii wadnaa, anaguba waxaan dhalnay gabdho marka waan dareemeynaa dareenka iyo xanuunka ay dareemayaan balse afduubka hablaha maskaaiinta ah loo geystay ma aha in siyaasad iyo arrima kale loo adeegsado”.

Ra'isal Wasaare Dr Abiy Axmed iyo Guddoomiyaha TPLF Dr Gebresiyon Gebre-Mikael

Deegaanka Tigreega

Xildhibaannada laga soo doorto deegaanka Tigreega ayaa su’aala dhowr ah weydiiyey Dr Abiy Axmed iyaga oo su’aalahooda si cara leh u soo dhigayey.

Abiy Axmed oo ka jawaabaya su’aasha xildhibannada ee ku saabsan khilaafka u dhaxeeya deegaanka Tigreega iyo Dowladda dhexe uu majaraha u hayo Dr Abiy Axmed wuxuu yiri: “markasta oo shaqsi deegaanka Tigreega ka soo jeeda la soo hadal qaado ama siyaayasad la isku qabto in qowmiyad dhan lala xiriiriyo waa khalad, sida oo kalana waxaa khalad ah xisbiga PP iyo xisbiga TPLF ee haya talada deegaanka Tigreega in la sheego inuu khilaaf xooggan u dhaxeyo.”

“Waxaana khald ah in la yirahdo tani iyo marka uu dalka Itoobiya isbeddelka ka dhacay iney qowmiyadda Tigreega isbeddelkaasi ka faa’ideysan, labadii sana ee la soo dhaafay miisaaniyadda deegaankaasi la siin jiray waxay korodhay 42%.”

“Marka waxaan beeninayaa si weyna aan uga soo horjeedaa arrinta odhaneyso deegaanka Tigreega dowladda dhexe tacaddi gaar ah ayey ku haysaa” ayuu yiri.

Dr Abiy Axmed oo geed beeraya

Dhaqaalaha

“Hay’adda IMF waxay saadaalisay 170 dal oo dalalka caalamka ka mid ah inuu kobacooda dhaqaale ee sanadkan uu eber ka hooseynayo maadaanaa faayraska corona dhaqaalahooda uu saameeyey.”

“Kobaca dhaqaale ee dalka Itoobiya ee sanadkan oo la filayey inuu gaaro 9%, sida muuqata wuxuu gaari doonaa 6%, taasoo ka sarreysay saadaashi IMF ee ahayd inuu kobaca dhaqaale ee dalka Itoobiya uu sanadkan noqon doono 3%” ayuu yiri Dr Abiy Axmed.

Dhirta laga beerayo dalka Itoobiya

“Dalka Itoobiya waxaan dooneynaa inaan 90 maalmood gudahood ku beerno dhirti ugu badneyd oo ah shan balyan oo geed, haddii dhir beeristaasi sideedi looga guuleystana ay waxweyn ka beddeli doonto bey’ada dalka, deegaannada xaalufayna ay dib u soo noolaanayaan” ayuu yiri.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this