Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cumar Filish oo shaaciyey waqtiga la furayo jidadka xiran ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna duqa Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in lagu guuleystay sugidda Amniga Magaalada Muqdisho, taasi oo sahleysa in la furo waddooyinka xiran.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la gaaray ujeedkii laga lahaa xiridda jidadka Muqdisho, islamarkaana dhawaan ay furayaan wadooyinka markii hore loo xiray in laga hortago qaraxyada ay Al-Shabaab ka fulin jireen Magaalada.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in sababta loo qaadayo koontoroolada faraha badan ee magaalada dhex yaalo ay tahay sidii Shacabka loo dareensiin lahaa in magaalada ay tahay mid nabad ah.

“Waxaan rajeynayaa in waddooyinka la furo bisha hadda lagu jiro oo ah bisha lixaad gudaheeda maadaama la xaqiijiyay amniga Muqdish, oo baraha koontoroolada laga qaado gudaha magaalada lana geeyo goobo durugsan oo magaalada cirifkeeda ah,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Waxa uu amaanay ciidamada Dowladda oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ka dambeeyo in magaalada ay noqoto mid nabadoon midaasna ay iyaga ku mahadsan yihiin.

Waxaa xusin mudan in horey uu u suurtageli waayey ballan qaadkii uu Cumar Finish sameeyey markii xilka loo dhiibay ee ahaa inuu jidadka xiran furi doono, lamana ogo sida ay hadda ku suurta geli karto ballan qaadka cusub ee uu sameeyey guddoomiyaha.

Jidadka Muqdisho ayaa waxay xiran yihiin muddo badan, waxayna saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo isku socodka Magaalada Muqdisho inkastoo lagu guuleystay in la yareeyo qaraxyadii iyo weeraradii ay Al-Shabaab ka fulin jireen Caasimadda Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso codka Cumar Filish

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Codka-Cumar-Filish-wadooyinka.mp3

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this