Deeq A. Posted June 8, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Howl-galkaan waxaa si wadajir ah u sameeyey ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland oo kaashanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ay geysay magaaladaasi. Saraakiisha horkaceysay howl-galladaasi ayaa sheegay in u jeedkooda uu ahaa xaqiijinta amniga Gaalkacyo, iyadoona baaritaano laga sameeyey koonfurta iyo waqooyiga magalada. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay dad badan oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab oo inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa magalada Gaalkacyo Maalin ka hor ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo lagu toogtay nin hubeysnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, halka mid kale oo ganacsade ahaa balse lagu eedeeyey inuu xiriir lalaaha ninka la dilay lagu qabtay guri ku yaalo koonfurta Gaalkacyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites