Deeq A. Posted June 8, 2020 Janaale (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa madaafiic ku garaacay deegaan duleedka kaga beegan Magaaladaas. Madaafiicda ay AMISOM rideen ayaa lasoo sheegayaa inay khasaare isugu jirto dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay dad Shacab ah oo halkaas ku noolaa. Halka ay AMISOM ku garaaceen madaafiicda oo ah Tuulo lagu magacaabo Kali Asaayle, oo wax ka yar 2km u jirta degaanka Janaale, ayaa waxaa ku dhintay lix qof oo shacab ah. Sida dadka deegaanka ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dadka ku dhintay madaafiicdaas ayaa waxaa kamid ahaa Gabar iyo Hooyadeed. Xilliga ay AMISOM madaafiicda halkaas ku garaaceysay ayaa waxaa la sheegay inay xubno ka tirsan Al-Shabaab meel fagaare ah kula hadlayeen dadka Tuulada Kali Asaayle kadib markii ay saaka halkaas soo gaareen. Dadka Shacabka ah ee ku dhintay madaafiicda Ciidamada AMISOM ayaa waxaa la sheegay inay yihiin Beeraleey, iyadoo dadka ku dhaawacmay loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM labaduba weli kama hadlin weerarkaas dhibaatada loogu geystay dad Shacab ah, mana ahan markii ugu horeysay oo ay AMISOM xasuuqdo dad Shacab ah. Share this post Link to post Share on other sites