Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Minneapolis oo ayiday in la kala diro booliska

Recommended Posts

Deeq A.   

Inta badan xubnaha golaha deegaanka ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay Axaddii in ay taageerayaan kala dirista waaxda booliiska magaalada.

Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo gobolka uu bilaabay baaritaan ku aadan haddii lagu xadgudbay xuquuqda madaniga ah kadib dilkii George Floyd loogu geystay magaaladaasi 25-kii bsihii hore.

Sagaal ka mid ah 12-ka xubnood ee golaha deegaanka oo ka qeybgalay debedbax ka dhacay magaalada ayaa wacad ku maray in ay soo afjari doonaan jiritaanka waaxda bilayska ee Minneapolis. Xubin ka tirsan golaha degaanka, Jeremiah Ellison, ayaa ballan qaaday in goluhu uu “baabi’in doono” waaxda booliska.

Waa arrin cad in hanaankeenna booliisku uusan ilaalin ammaanka bulshadeena,” ayay tiri Lisa Bender oo ah madaxa golaha deegaanka Minneapolis.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa bulshada laga badan yahay ayaa in muddo ahba ku dhaleeceynayay waaxda booliska ee Minneapolis waxa ay ugu yeereen dhaqan “cunsurenimo” islamarkaana aan arxan laheyn kaasi oo hortaagnaa in la sameeyo dib u habeyn.

In lakala diro dhamaanba waaxda booliska ayaa ah mid hore uga dhacday Mareykanka.

Sanadkii 2012-kii ayaa magaalada Camden ee gobolka New Jersey waxa ay kala dirtay waaxda booliska magaalada, iyadoo lagu bedelay ciidamo cusub oo suga amaanka magaaalada. Sidoo kale magaalada Compton ee gobolka CA ayaa tallaabo ceynkaasi ah sameysay sanadkii 2000.

Xigasho: VOA Somali

PUNTLAND POST

The post Xildhibaanada Minneapolis oo ayiday in la kala diro booliska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this