Sign in to follow this  
Deeq A.

Cudurka Halista Ah Ee Coronavirus Oo Kusii Faafaya Somaliland, Qof Burco Ugu Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay inay diiwaan-gelisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana Cudurka u muuqdaa mid kusii faafaya Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay laga helay 19 qof, kuwaasi oo baadhitaano kala duwan lagu sameeyay, kadibna la ogaaday inay qabaan Cudurka.

Bukaanada Cusub ee laga helay Cudurka ayaa iskugu jira 12 qof oo rag iyo 7 Dumar, kuwaasi oo laga diiwaan-geliyay Magaalada Hargeysa 18 qof iyo Gabiley oo ah 1 qof, isla markaana waxaa da’dooda ay u dhexeeysaa 19 sanno illaa 90 jir.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in xanuunka ay ka bogsaday 9 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay 73, kuwaasi oo  haatan xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay sida la sheegay.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Cudurka Coronavirus Somaliland ugu geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Magaalada Burco, da’diisuna aheyd 52 jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan halkaas u dhintay 25 qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this