Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha cusub ee ciidamada Kenya oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online ) – Taliyaha cusub ee ciidanka milatariga Kenya, Janaraal Robert Kibochi ayaa booqasho qarsoodi ah ku yimid gudaha Soomaaliya.

Taliyaha ayaa shalay kormeeray saldhigyo ciidamada difaaca Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu la kulmay saraakiisha ciidamadaasi, isaga oo kala hadlay arrimo ku aadan howlgalladooda, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka oo ahaa mid is-barasho ah ayaa taliyuhuu wuxuu la qaatay askarta Kenya ee ku sugan Afmadow, Billis Qooqani, Tabda iyo Hoosingow.

Dhinaca kale qoraal kooban oo ka soo baxay taliska KDF ayaa waxaa lagu sheegay in socdaalka taliyaha oo kii ugu horreeyey, tan iyo markii dhowaan loo magacaabay xilkaasi uu dhiiri-gelin u yahay ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya.

“Maalintiisii 37-aad tan iyo markii loo magacaabay taliyaha ciidamadda difaaca Kenya, General Robert Kibochi, wuxuu booqday askarta KDF ee Soomaaliya, kuna howlgalaya AMISOM. wuxuu la kulmay askarta ku sugan; Afmadow, Billis Qooqani, Tabda, and Hoosingow,” ayuu lagu yiri yiri warka ka soo baxay taliska KDF.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu yiri “Socdaalkiisa wuxuu dhiiro-gelinayaa ciidamada, wuxuuna xaqiijinayaa doorka muhiimka ah ee askarta KDF-ta ee howlgalka AMISOM si ay xasilooni u siiyaan Soomaaliya”.

Ciidamada Kenya ee ka howlgala deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dalka soo galay sanakdii 2011-kii, waxaana tan iyo markaasi, iyaga oo qeyb ka ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this