Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Soomaaliya oo fasiliyay Qaraxyo ay maleegayeen Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin ku dhow degaanka Janaale ee Gobolka Shabellada Hoose,waxaana la sheegay in howlgalkaas ay kusoo qabteen Qaraxyo lagu diyaarinayay duleedka janaale.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Janeral C/Xamiid Dirir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen Janaale ay lagu soo qabtay Qaraxyo ay Al-Shabaab doonayeen inay ku Aasaan wadada u dhaxeysa Janaale iyo tuulada urunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalkaas ay sidoo kale ku dileen 13 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab isla markaana ay sidoo kale bururiyeen Xarumo ay ku diyaarin jireen qaraxyada waa sida uu hadalka u dhigay.

Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar qaraxyo iyo weeraro toos ah waxaa ay Al-Shabaab la beegsadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada qaar oo ay howlgallada ku jiraan.

PUNTLAND POST

The post Militariga Soomaaliya oo fasiliyay Qaraxyo ay maleegayeen Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this