Sign in to follow this  
Deeq A.

“Corona Waa Sida Xaaskaaga…” Wasiirka Amniga Ee Dalka Indonesia

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Indonesia)-Wasiirka Amniga ee dalka Indooniisiya mudane Maxamed Maxfuud ayaa muuqaal lagu faafiyey barta Youtube ka waxa uu ku yidhi, “Coronavirus ku waa sida xaaskaaga oo kale. Bilowgahore waxa aad isku dayeysaa in aad ka adkaato, kaddib waxa ogaanaysaa in aanad ka adkaan Karin. Markaas kaddib ayaad bilaabaysaa in aad barato sida aad ula noolaan karto.

Wasiirku waxa uu sheegay in hadalkan uu ka soo xigtay wasiirka hawlaha badda iyo maalgashiga oo isaga si gaar ah ugu sheegay.

Wasiirka amnigu waxa uu dhaliilayey qorshaha ah in bandoo muddo dheer ah lagu jiro si loo xakameeyo coronavirus ka, maadaama oo uu aaminsanyahayin Coronavirus aanay cidi ka adkaan Karin, balse lala noolaan karo. Waana halkaas halka uu xaaska tusaalaha ugu sooqaatay, isaga oo intaas ku sii daray, “Weligeen ma is qarin ayaa aynu ku jiraynaa?! .. waa in aynu xaaladda la qabsannaa, feejignaanna la nimaadnaa”

Hadalka wasiirka waxaa jawaabo cadho leh ka bixiyey ururrada xuquuqda haweenka u dhaqdhaqaaqa. Jimciyadda garabsiinta haweenka oo ah urur ka jira dalkaas ayaa warmurtiyeed uu soo saaray ku sheegay in hadallada kaftanka ka dhiganayana haweenku ay sii dhiirrigelinayaan gacanka hadalka lagula kaco. Sida ay hadalka u dhigtay jimciyaddu

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this