Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa jira, maxaa khaldan, waxan oo dhib ahi waa maxay? By.Dr-Abdulqani Beder

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaa jira, maxaa khaldan, waxan oo dhib ahi waa maxay?

beder-300x266.jpg

Dunidan aynnu ku nool nahay dhibaatooyinkeedu dhammaad ma laha, xanuunno faafa ayaa socda, colaado aan dhammaad lahayn baa markay meeli ka nasataba meel ka oogsanaya.

Qof la jeclaa baa dhimanaya, dano loo oradayey ayaa la gaadhi waayayaa!
Mid buu Jaceylku ka murkacaynayaa oo naftiisu ledi waayeysaa !
Laba is jeclaa oo isku faraxsan bay geeridu kala tuuraysaa !

Abaaro lagu le’do ayaa nimcooyinkii lagu tannaaday ka daba imanaya oo ku illowsiinaya, duufaanno ayaa adiga oo farxad ku seexday xaga kale wax walba u rogaya, farxaddiina murugo ka dhigaya, oo noloshii dhimasho ka yeelaya, oo hantidii huf siinaya.

Ma jiro caafimaad joogta ahi, ma jirto farxad meel iska taagani, dhadhamo kasta oo macaani dheef badhax tiran ma aha.

Waxkasta oo qiimo leh, dhib baa loo marayaa hanashadiisa, haddana xejintiisu ma sahlana!
Nimco kasta oo ku soo marta ugu yaraan xaasidbay leedahay.
Dhibtani xaggay ka socotaa? Maxaa khaldan?

Jawaabtu waxa weeye: Adigaagan su’aalaha is waydiinaya ayaa khaldan ee waxba ma khaldana!

Dunidan dabciga lagu abuuray iyo sida Eebbe u dhigay ayaa sidan ah, gebigeeduba waa meel la isku imtixaamo oo exam joogta ah lagu jiro.

Haddaad saacaddeeda jarribaadda ah ee la iskala hufayo, mooddo inaad nasasho ku jirto, sow adigu ma tihid ka aan la haysannin ee wareersan.

Qof qiimo leh oo aad mustaqbalkiisa hilaadinaysay mar kaliya geeridiisa ma laguu sheegay, oo ka dibna si aan hubsiimo lahayn, ma isaga tidhi geeridu xishood daranaa, miyaanay waxba xeerinayn?
Ma ogtahay ka aan waxba xeerinayni in uu adiga yahay, waayo adiga ayaan xeerin jadwalka geerida ee ka horreeyey dejinta qorshahaaga, baahidaada iyo ballamahaaga intaba!

Daartan daar adduunyaa la yidhaahdaa inta aad joogto imitixaan ayaad ku jirtaa, naftaada ayaa imitixaaman, deegaankaaga iyo dadka aad la dhaqantahay ayaad isku imitixaaman tihiin waxa lagu siiyey iyo waxa laguu diiday laftoodu waa jarribaad.
Waxa kula gudboon oo keliya in aad ku dadaasho sidii aad imitixaankaa ugu guulaysan lahayd, meel loo geeddi yahay oo natiijada lagu kala qaadanayo ayaa jirta oo Aakhiro la yidhaahdo.
قال الله – عز وجل -: ﴿ إِنَّا جَعَلْنَا مَا عَلَى الْأَرْضِ زِينَةً لَهَا لِنَبْلُوَهُمْ أَيُّهُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا * وَإِنَّا لَجَاعِلُونَ مَا عَلَيْهَا صَعِيدًا جُرُزًا ﴾ [الكهف: 7 – 8].

Goobtan khayrkeeda iyo sharkeeda, caafimaadkeeda iyo cudurkeeda, caydheeda iyo cuudkeeduba waa imitixaan.

﴿ الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ﴾ [الملك: 2، {ونَبْلُوكُم بِالشَّرِّ وَالْخَيْرِ فِتْنَةً ۖ وَإِلَيْنَا تُرْجَعُونَ}الانبياء: 35

Sidaa kula qabso oo dadaalkeeda yeelo, dhammaadka imtixaanku waxa uu ku egyahay geeridaada, iyana waa mid qorshaysan oo haddana kaa qarsoon!
{وَعِندَهُ مَفَاتِحُ الْغَيْبِ لَا يَعْلَمُهَا إِلَّا هُوَ ۚ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ ۚ وَمَا تَسْقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلَّا يَعْلَمُهَا وَلَا حَبَّةٍ فِي ظُلُمَاتِ الْأَرْضِ وَلَا رَطْبٍ وَلَا يَابِسٍ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ} (59(. {وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ} لقمان: 34.

Allahayow imtixaanka nagu guulee, oo khaatimada danbe noo wanaaji, abaalkayagana jannatal Firdowsa ka yeel. Aamiin.

Ma fahantay dhabta iyo dhaqankeennu sida ay u kala dheeryihiin?

Dr-Abdulqani Beder 7/6/2018

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this