Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Gobolka Togdheer Oo Caawa Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha u naxariisto Guddoomiyihii gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi oo geeriyooday, iyadoo isla maanta uun xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga.

Guddoomiye marxuun Xamse Maxamed Cabdi ayaa muddooyinkii u dambeeyay xaalad caafimaad u jiifay.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Baashe Cawil ayaa tacsi u diray marxuunka waxaanu yidhi “

TACSI: 7/6/2020
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxaan halkan tacsi uga dirayaa Qaranka JSL geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Gobolka Togdheer Mudane Xamse Maxamed Cabdi, oo hadda la ii soo sheegay inuu xaqii u yimid, dhawaanahana xaaladiisa caafimaad ay aad u liidatay.
Marxuumku wuxuu ahaa qof u dhashay degenaan, Af gaabani, iyo Alle ka Cabsi leh.
Waxaan si gaar ah tacsidan ula waddaagayaa Qaranka JSL ee uu ka baxay, Sidoo Kale qoyskii, ehelkii iyo saaxiibadii uu marxuumku ka baxay, waxaanan Illaahay swc u waydiinaynaa in uu su’aalaha qabriga u dhib yareeyo oo Firdawsa ku janneeyo, samir iyo iimaana ka siiyo dhammaan Ehelkii, qaraabadii iyo saaxiibadii uu ka baxday marxuumku.
Allahuma Aamiin🤲🏻
إنالله وإنا إليه راجعون”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this