Sign in to follow this  
Deeq A.

Bannaan-baxyo lagu taageerayo Hadalkii Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilowday dibad-bax ay dhigayaan dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir oo muujiyay dareenkooda ku aadan hadal shalay Madaxweeynaha Dowlada fadarelka uu ka hor jeediay labada Aqal ee Baarlamaanka oo ah ahaa xubno  matala  gobolka Banaadir in lagu kordhiyo aqalka sare ee Baarlamaanka.

Dibad-baxyada ayaa haatan ka dhacay qeyba kamid ah magaalada Muqdisho  sida taalada Daljirka Daahsoon iyo isgoyska KM4.

Dadka dhigaya dibad-baxa oo kala yimid dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wata boorar lagu soo xardhay sawirrada Madaxweynaha Farmaajo iyo Gudoomiyaha Gobolka Cumarb Filish.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish oo ka hadlay banaan bax lagu taageerayay hadalkii Madaxweynaha oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay codsigii Madaxweyne Farmaajo u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka ee ahaa in ay ogolaadaan mataalad siyaasadeed oo Gobolka Banaadir ay yeelato.

PUNTLAND POST

The post Bannaan-baxyo lagu taageerayo Hadalkii Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this