Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag watay qaraxyo oo lagu qabtay Muqdisho + ujeedkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimad Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Yuusuf Cali oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in maanta ciidamada ammaanka ay ka hortageen qaraxyo la doonayey in laga fuliyo gudaha magaalada Muqdisho.

Sadiiq ayaa tilmaamay in ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen labo nin oo watay walxaha qarxa, kuwaas oo uu tilmaamay in la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka.

Afhayeenka Booliska ciidamada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in mid ka mid ah raggaasi lagu qabtay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, isaga oo qarax ku dhajinaya gaari uu leeyahay mas’uul dowladeed, walow uusan shaacin magaca mas’uulkaasi.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in nin kale oo xirnaa jaakadda qaraxyada lagu qabtay dhinaca deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib howlgal ballaaran oo ay halkaasi ka sameeyeen ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhamme Sadiiq Yuusuf Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in qaraxyadaasi la doonayey in lagu carqaladeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan banaan-baxyada maanta ka socda caasimada ee lagu taageerayo hadalkii madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn afhayeenka ayaa xusay in saacadaha soo socda ay ay soo bandhigi doonaan raggaasi oo uu tilmaamay in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Amniga Muqdisho ayaa muddooyinkan ahaa mid degan, marka loo eego qaraxyadii horey uga dhici jiray caasimada, inkastoo ay weli ka dhacaan falal u badan dilal qorsheysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this