Sign in to follow this  
Deeq A.

Deegaannada Soomaaliland oo Laga Helay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliland ayaa maanta oo Axad ah 07-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkan.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay  in cudurka COVID-19 laga helay 17 qof,  iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka ay ka bogsadeen 2 bukaan,  halka 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan jirin dad xanuunka u geeriyooday.

Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 64 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 24 ruux.

Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 430 kiis.

102437672_990285571406007_3803511531182972801_n.jpg?_nc_cat=106&_nc_sid=b96e70&_nc_ohc=5cuRxyFYqwgAX_-ep3X&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=7a81af440c4579bdf02c74a47e457526&oe=5F022E54

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this