Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka BAKOOL

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online ) – Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka ayaa ka warbixiyey dagaallo ciidamada dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab kula galeen duleedka degmada ee xarunta gobolka Bakool.

Taliyaha ayaa sheegay in howl-gallo ay ka fuliyeen deegaanka Abal iyo tuulooyin hoos-yimaada ay ku dileen illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in deegaanadaasi ay gacan ku heyntooda la wareegeen ciidamada dowladda, gaar ahaan guutada 9-aad, qeybtooda 16-aad.

Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in howl-galladu ay sii socdaan, ciidamaduna ay ku sii siqayaan deegaano ku yaalla gobolka Bakool.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalladaasi ayaa guullo ka sheegatay, waxaana ay baahisay inay khasaare xoogan ku gaarsiisay ciidamada huwanta.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay halkaasi ku dileen 15 askari oo ay tilmaameeyn inuu ku jiro sarkaal saddex xidigle ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa maanta yare degan, balse waxaa dhaq dhaqaaqyo milarai ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ka wadaan deegaanka Abal oo ku dhowaad 20 KM dhinaca bari ka xiga magaalada Xudur.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this