Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo si adag uga hadlay arrinta maqaamka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo maanta ka qeyb-galay dibad-bax ballaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrinta taagan ee maqaamka Muqdisho.

Cumar Filish oo dibad-baxayaal taageerayey hadalkii shalay ee Madaxweyne Farmaajo kula hadlay, isaga oo saaran gaari Cabdi-Bile ah isgoyska KM4 ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in maqaamka Muqdisho uu ka hooseeyo maamullada kale ee ka jira dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gobolka Banaadir uu ka miisaan weyn yahay metelaada 7 xubnood ee laga siiyey Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Gobolka Banaadir waxa uu u qalmaa matalaad ka miisaan iyo macna weyn tan lasiiyay maamul goboleedyada dalka ka jira” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Muqdisho inay is-dajiyaan, islamarkaana ay xuquuqdiooda ku raad-sadaan si nabadoon.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dood badan ay ka taagan tahay maqaamka caasimada oo la’isku mari la’yahay, xilli ay fooda nagu soo heyso doorashada madaxweynaha iyo mid baarlamaanka oo dhaceysa dhamaadka 2020 illaa 2021-ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this