Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo taageero u muujiyay Baarlamanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay  ugu qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya, James Swan waxa uu Fariin u diray Xildhibaanadda Labada Gole oo uu Shirweynahooda 7-aad maanta ka furmay magaalladda Muqdisho.

Ergayga waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Fariin taageero u diro Furitaanka Kalddhiga 7-aad ee Xildhibaanadda oo uu ku bogaadiyey Xildhibaanadda sida ay ugu heelan yihiin inay xaqiijiyaan Hawlaha Barlamaanka, inkastoo ay jiraan caqabadaha ka dhashay COVID 19.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James Swan waxa kaloo uu tilmaamay isagoo ku hadlayo magaca bahda QM inuu jecel yaahay inuu muujiyo inay garab taagan yihiin DFS iyo Dadweynaha Soomaaliyeed ee wajahaya caqabaddan caalamiga ah.

Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post James Swan oo taageero u muujiyay Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this