Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanki Siidhiga ku yeedhiyey,Buuqana ka dhex istaadhey Khudbadii Farmaajo+Wuxu qoonsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

XildhibaanXildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta firimbi lagu yeeriyay xilli uu jeedinayay khudbadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada gole ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada buuqa iyo firimbiga billaabay waxaa kamid ahaa Xasan Cabdi Ismaaciil oo laga soo doorto Jubaland, kaasoo BBC-da u sheegay inuu saluugay qodobada uu madaxweynaha kusoo qaatay khudbaddiisa.

“Xildhibaannadu deegaannadooda dhibaato ayaa lagu hayaa, deegaannadoodu cunaqabateyn ayaa saaran. Anigu Jubaland ayaan ka soo jeedaa dadkeyga waa la cunaqabateeyay, Gedo waxa ka dhacaya waad u jeedaa,” ayuu yiri xildhibaan Xasan.

Waxa uu sheegay in fursadda keliya ee ay madaxweynaha dareenkooda ku gaarsiin kareen ay ahayd kulanka maanta.

 

Afhayeenka xafiiska Madaxweynaha, Cabdinur Maxamed Axmed oo ka falceliyay firimbi yeerinta maanta ayaa bartiisa Facebook ku qoray:

“Geeddi socodka Dowlad dhisidda Soomaaliya heerar kala duwan ayuu soomaray. Waxaa jirtay xilli kala aragti duwanaashaha lagu xallin jiray qori caaraddiis, maantase waxay mareysaa in firimbi loo yeeriyo marka Madaxda laga aragti duwanaado. Waa horumar runtii loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda,”

Madaxweynaha ayaa markii dambe si aan qash-qashaad lahayn u dhameystay khudbad jeedintiisa oo uu kaga hadlay arimo badan oo masiiri ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this