Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kiisaska Ka Soo Kordhay Xanuunka COVID-19 48-kii Saac Ee Tagtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalin laha ah ee xanuunka safmareenka ee COVID-19 ku sheegtay guud ahaan dalka in laga diiwaan geliyey 85 xaalaad oo cusub taas oo guud ahaan muwaadiniinta xanuunka uu ku dhacay dalka ka dhigeyso 2,289 oo ruux.

Wasaaradda ayaa qooraalkeeda maalin laha ah ku sheegtay in  gobolka Banaadir laga helay 19 ruux, Somaliland ayaa laga diiwaan geliyey 29 kiis halka dowalda goboleedka Galmudug laga  soo xusay 17 xaalad iyo  jubbaland 14 xaalad, Koonfur Galabeed 5 kiis halka dowlad goboleedka Hirshabeelle laga soo diiwaan geliyey 1 kiis oo COVID-19 ah,dowlad goboleedka  Puntland ayaa maanta aan laga soo sheegin wax xaalad oo ku aadan xanuunka Coronavirus.

Wasaaradda caafimaadka ayaa maanta sheegtay in 3 muwaadin dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19 taas oo guud ahaan dadka xanuunka u geeriyooday ka dhigeyso  82 ruux, waxaana xanuunka ka soo caafimaaday 13 ruux oo guud ahaan dadka soo bogsaday ka dhigeyso tan iyo markii uu ka dilaacay  431 ruux, kiiska la helay 58 ka mid ah waa Rag halka 27 Haween yihiin sida qoraalkeeda maalin aha ah lagu sheegtay wasaardaa caafimaadka Soomaaliya.

No photo description available.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this