Deeq A. Posted June 6, 2020 ” Aqoonsi maantuu inoogu dhawyahay ”. Dagaalkii webiga niil wuu sii xogaystay , Sodan konfureed iyo soodaan waqooyi waxay la safteen Masar , xaaladda jabuuti iyana waa qasan tahay , sidoo kale Kenya iyo Itoobiya iskuma wanaagsana , Qaahirina Mogdisho ayay hubaynaysaa. Intaa waxaa dheer , dagaalkii qaboobaa ee aduunka oo garaacaya albaabadda geeska , shiinaha oo bayskiisa jabuuti ku maalgelinaya 8 biyan oo doolar isagoo ka dhigaya sal-dhig wayn oo baaxadle , Maraykanka oo shiinaha kula loolamaya geeska kana soo horjeeda is balaadhinta shiinaha . Sidaa markay tahay , Somaliland waxay joogtaa halkii Etoobiya joogtay 1896 ama shiinuhu joogay 1950, waxaana la rabaa inay degdeg u qaabayso siyaasadeeda ku saabsan ictiraaf raadinta iyadoo sal-dhig uga dhigaysa saamaynteeda gobolka , kana gudbaya siyaaadii horre ee ku salaysnayd nabad baanu dhisnay iyo dimuqraadiyad , xoogana saartaa , kobcinta dhaqaalaha , dhismaha haayadaha amniga iyo kordhinta dhaq-dhaqaaqyadda diblomaasiyadeed ee danaha ku dhisan . Waxaas oo dhana waxaa muftaax u ah in madaxwaynuhu soo dhiso xukuumad adag oo ka midho dhalin karta waqtigan adag . Source Share this post Link to post Share on other sites