Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax-Dhaqameed Beesha Habar-Jeclo Oo Saaka Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Madaxweynaha Biixi.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameed beesha bariga Burco ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.


Ma jiro war ka soo baxay labada dhinac ee kulanku dhex-maray laakiin wararka ay heshay shabakadda Wararka ee Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegay in saaka uu kulan saacado qaatay dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo inta badan madax-dhaqameedka beesha Habar-jeclo.


Madax-dhaqameedka kulanka la yeeshay Madaxweynaha ayaa waxa la sheegay inay hoggaaminayeen Suldaanka Guud ee beelaha Habar-jeclo Suldaan Cabdillaahi Cali Muuse iyo Suldaan Maxamuud Guuleed Mire.

Madax-dhaqameedkan oo marar kala duwan Hargeysa u yimid inay la kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaanay u suurto-galin.

Ma jiro illa xogo dheeraad ah oo ka soo baxay kulan iyo arrimaha ay ka wada-hadleen labada dhinac, balse waxa muddooyinkii ugu dambeeyay jiray saluug ay beesha Habar-jeclo ka muujinaysay hanaanka uu Madaxweyne Muuse Biixi u maamulayo dalka.

Wixii warar ah ka soo kordha kulankan iyo arrimaha laga wada hadlay kala soco Somalilandtoday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this