Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Xudur

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in goor dhow dagaal u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka , gaar ahaan guutada 9-aad  iyo dagaaylayahanada Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Abal oo 20 kiiilo mitir dhinaca bari kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen ciidamo taabacsan wadaadka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), kuwaas oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa halkaasi

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa had iyo jeer weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku waaday saldhigyada ciidamada dowladda ee gobolladaasi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this