Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye C/Maalik Coldoon oo muddo kadib xabsiga laga sii daayay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) Wariye C/Maalik Muuse Coldoon ayaa xabsiga laga sii daayay kadib muddo ka badan sanad uu u xirnaa maamulka Somaliland.

Madaxweynaha maamulka aan wali aqoonsiga helin Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay wariye Coldoon kaas oo sidoo kale ah Samafale.

Wariye Coldoon horay waxaa loogu eedeeyay inuu kasoo horjeestay qaranimada maamulka Somaliland, balse dadaallo badan kadib dib ayuu banaanka ugu soo baxay.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay wariye Coldoon.

Dhawaan ayey aheyd markii baarlamaanka yurub ay maamulka Somaliland ka codsadeen iney sii daayaan C/Maalik Muuse Coldoon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this