Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda JABUUTI Oo Xabsiga Dhigtay Xubno Ka Tirsan Qoyska Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, xilli ay socdaan banaanbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo tacadiga lagula kacay duuliyaha.

Xaaska duuliyaha oo u warrantay idaacada BBC laanteeda Af-Soomaaliga ayaa xaqiijisay inay dowladdu xidhay gabadh 16 jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo saddex gabdhood oo kale oo uu abti u yahay.

Xadhiga xubnahan ka tirsan qoyskiisa ayaa imanaya kadib markii banaanbaxyo xooggan ay ka dhaceen gudaha Jabuuti, midaasi oo dhalisay in dowladdu ay xabsiga ku gurto xubnahaasi.

Sida ay ogaatay warbaahintu, xubno badan oo ka tirsan banaan-baxayaasha kasoo horjeeda xadhiga iyo cadaalad darrada uu tirsanayo duuliye Fu’aad ayaa shalay iyo maantaba xabsiga loo taxaabay.

Xiisada ka dhalatay xadhiga Fu’aad ayaa kusii fidaysa gudaha dalka Jabuuti, iyada oo markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaanbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo xadhiga duuliyaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this